DHAGEYSO: Sool iyo Sanaag oo ku biiraya Somaliland iyo Puntland oo waagu ku baryey (Top Maqal)

Aiyadoo dhawaan la filayo in Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Dalkaasi Jabuuti uu ka dhaco kulan leysugu yeeray Maamulka Somaliland iyo Kan Khaatumo ayaa waxaa soo baxay Ajanddaha Shirkaasi looga hadli doono.

Kulanka Ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Madaxweyanaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Kaas oo doonaya in Maamulka Khaatumo Garabka Cali Khaliif Galeeydh iyo Maamulka Somaliland uu dhax dhigo heshiis islamarkaan uu mideeyo.

HALKAN RIIX OO DHAGEYSO COD KA

Ujeedad ugu weyn ayaa ah sidii Gobolada Sool iyo Sanaag oo kamidda Goboladii Ingiriisku gumeysan jiray looga jari lahaa Maamulka Puntland islamarkaana ay awooda ku qeybsan lahaayeen Khaatumo iyo Somaliland.

Hadalkan ayaa ah Mid aan u cuntamin Maamulka Puntland gaar ahaan Madaxweyanaha Maamulkaasi Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaan jirtay in uu arintaas ka carooday Madxweyne Gaas.

Cali khaliif ayaa ku hungoobay Hami uu kala haa in ay aqoonsi siiso Dowlada Dhexe ee Soomaaliya inkastoo maamulkiisa uu la kulmay caqabado badan oo  Dagaalo ugu horeyaan hadana waxaa uu fursad u arkay in uu la midoobo Maamulka Soomaaliland.

Lama oga ilaa hada waqtiga rasmiga ah ee uu dhacayo kulanka uu madliyay Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Dalka Jabuuti kaas oo lagu balamiyay Maamulka Somaliland & Hogaamiyaah Khaatumo Cali Khaliif Galeydh.

Loading...

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.