IMG_2A3090-63BB16-579DA9-D43D1C-C11931-654A29

War deg deg ah:-Amiirkii Al Shabaab oo la sheegay inuu geeriyooday

Amiirkii Ururka Al Shabaab Axmed Diiriye oo Shabaabka looga dhex yaqaano Magaca Abu Cubeyda ayaa waxa la sheegayaa inuu geeriyooday.

Xogtaan oo Wakaalada Warqaad.com ka heshay ilo wareed muhiim ah ayaa bixin faah faahino kale oo ku aadan qaabka geeridiisa ku timid.

Sargaal katirsan Sirdoonka Kenya ayaa inoo sheegay inay ka war hayaan Khabarka sheegaya in uu geeriyooday Axmed Diiriye (Abu Cubeyda) walaw aysan faah faahino bixin Karin.

Sirdoonka Soomaaliya Ayaan ka hadlin bal waxay dhankooda kala socdaan jiritaanka Warkaan sheegaya in uu dhintay Amiirkii Ururka Al Shabaab.

IMG_2A3090-63BB16-579DA9-D43D1C-C11931-654A29

Dhinaca kale weli ma heyno war kasoo baxay Al Shabaab oo arintaan looga hadlayo run mise been.

Axmed Diiriye ayaa badelay Axmed Cabdi Aw Maxamuud Godane oo duqeyn diyaaradeed lagu dilay Labo Sano ka hor waxaana dhawaan Al Shabaab ay baahiyeen Cod laga soo duubay Amiirkooda oo markii ugu horeysay la maqlay Codkiisa.

NAGA FILO XOG KALE HADII UU KASOO KORDHO WARKAAN INSHA ALLAH




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *