xasan-sheikh

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ku Dhawaaqay Shaqsiyaadka uu Codka Doorsahada Ka Sugayo.

Iyadoo ay shirka ka maqan yihiin Waxgaradka iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxa maanta hadana laga furay Shir Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta mar kale furay Shirka Maamul Usameynta Gobollada Hiiraan & Sh/Dhexe isagoo khudbad ballaaran ka jeediyey.

Waxa uu Khudbadii uu jeediyey Xasan Shiikh si cad usheegay in warka magaalada loo geliyey ee ah inuu sad bursi sameenayo oo beelaha qaar wax ubadiyey ay waxba kama jiraan tahay.

“Aniga Gobollada Sh/Dhexe iyo Hiirana ma yaallo Codka waxaan ka sugayaa Xildhibaanada Soomaaliya 275 oo iyaguba cida noqon doonta la ogeyn Xildhibaanimo,ayuu yiri Xasan Shiikh”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dawlada Soomaaliya iyo IGAD ay fududeeyn ka yihiin keliya Shirka balse dadka deegaanadaasi labada gobol ay utaallo aayahooda.

Shirka Jowhar ayaa waxa weli ka maqan Ugaaska Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif,Yuusuf Daba geed iyo Waxgaradka ugu caansan G/Hiiraan oo hore usheegay inay qaadaceen shirka Jowhar.

WARDEED MEDIA
XAFIISKA MUQDISHO

Loading...



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *